Ku Saabsan Fursad Fund

Dulmar

Fursad Fund waa sanduuq dadweyne oo madax banaan kaas oo noqday kii ugu horeeyay ee nuuciisa ah oo dalka laga hirgeliyo, Sanduuqa waxaa guud ahaan deeqbixiyaal u ah isla markaana maamula dad soomaaliyeed, kaas oo hadafkiisu ugu weyn yahay in uu abuuro fursado isugu jirra shaqo abuur, halabuurnimo, Ganacsi, waxbarasho iyo tababarro, waxa aan fursadahan ka abuuri doonnaa qeybaha muhiimka u ah sare u qaadidda dhaqaalaha Dalka sida maalgashiga badda iyo kaluumeysiga, wax soo saarka beeraha iyo beerashada casriga ah ee tiknoolajiyadda ku dhisan, dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha iyo tamarta.

Yoolka

Ka qayb qaadashada iyo dardar-gelinta soo kabashada dalka haddii ay ahaan lahayd mid dhaqaale iyo soo-celinta nabadda, iyada oo dadka lagu ababinayo in ay iyagu yihiin kuwa uu dalku dib-u-dhis ka sugayo lagana rabo in ay fursaddo abuuraan.

Himilada

Waxa aan ku hamineynaa inaan gaarno jawi aay Soomaalidu ku tallaabsatay horumar, ayna muwaadiniintu ku ballameen wax-wada qabsi si ay u dhisaan bulsho horumar u saaxib ah.

Mabaadi’da guud

  • Isla xisaabtan

    In haykalkeenna maaliyadeed yahay mid u qaabeysan la xisaabtan dhanka dadka maaliyadda naga caawiya ah–bulshada, deeq-bixiyeyaasha, mutadawaciinta, shaqaalaha iyo ciddii kale ee soo raacda.

  • Daah-furnaan

    In aan si isku xigta u joogteyno heerka xiriirka iska-warqabeed ee aan la leennahay dadka naga taageera maaliyadda, si ay ula socdaan, waxa ay Fursad Fund uu qabanayo.

  • Dar-dargelin

    Fursad Fund waxa uu u hirgelin doonaa mashaariicda iyo barnaamijyada si ay dardar iyo hawlkarnimo ku jirto.