Fursad Fund waa ol’ole qaran oo aan faa’iido-doon ahayn, kaas oo ujeeddadiisu tahay ka qaybqaadashada dardarta soo kabashada dalka iyada oo la higsanayo bartilmaameedyo Soomaalidu hormuud u tahay.

Daawo Fiidyowga
$ 41.9kLa uruuriyey
193Deeqbixiyeyaal
327Fursado

Sida Fursad Fund u Shaqayso

Fursad Fund waxa ay qayb qaadataa dardar-gelinta soo kabashada dalka haddii ay ahaan lahayd mid dhaqaale iyo soo-celinta nabadda, iyada oo dadka lagu ababinayo in ay iyagu yihiin kuwa uu dalku dib-u-dhis ka sugayo lagana rabo in ay fursaddo abuuraan.

Is-diiwaangeli
Ku Tabarruc
Fursad Abuur

Fursad Fund waxa ay gacanta ku haysaa mashaariicdaan

Kaamilo

Yoolka mashruuca ‘Kaamilo’ waa in uu dhiirrageliyo, taageero isla markaana uu xoojiyo ganacsiyada haweenka isaga oo siinaya lacago deyn ah oo ay ganacsigooda ku balaariyaan.

Bandhigga Shaqooyinka

Bandhig-carweedka Shaqooyinku waa mashruuc loogu talo galay in la isku keeno shirkadaha maxalliga ah si ay dhallinyarada ugu soo bandhigaan fursadaha shaqo ee shirkadahaas ka bannaan.

Beeraha

Waxa aan wada shaqeyn la sameynay Somaliland Food Solution si aanu gacan uga geysanno horumarinta beeraleyda degaanka ugana qaybqaadanno soo saarista cunto dalka ku filan.

Ka mid noqo boqollaal samafalayaal ah

  • Khaliif Xaashi Cabdi
  • DR Deeqa Maxamed Waqaf
  • Axmed
  • Khaliif Xaashi Cabdi

Ku deeq waxa aad awooddo