Ciid Mubaarak

Ciid Mubaarak

Waxaan kuugu hambalyeyneynaa farxada maalmaha ciidul-Adxaa, waxaan rajeyneynaa in ciidaan teeda kale uu alle nagu gaarsiiyo barwaaqo iyo baraare.

Taarikhda marka aay ku beegneyd 20/08/2016 waxaa xafiiska Fursad Fund ka dhacay kulanka golaha sare ee sanduuqa Fursad Fund iyagoo ka dooday isla markaana ansixiyay mashaariicda la fulin doono taas oo hawlwadeenada aay soo hordhigeen. Golaha sare waxa aay ansixiyeen in la fuliyo illaa sadex mashaariic oo aan rajeyneyno in aan hergelino sida ugu dhaqsiyaha badan. Mashaariicda la hergelin doono waxa aay kala yihiin:

Kaamilo: Sida ku cad qorshaha maalgelinta mashaariicda ee Fursad Fund ee ah in 40% oo kamid ah guud ahaan lacagta uu sanduuqa soo aruuriyo fursado loogu abuuro haweenka soomaaliyeed. Mashruucan waxaan ugu talo galnay haweenka ka ganacsada Khudaarta iyo hilibka xoolaha gaar ahaan hilib ariga ee Muqdisho ku nool. In ka badan 2,900 oo haween ah ayaa ka ganacsada suuqyada khudaarta iyo hilibka lagu iibiyo haweenkaas intooda badan waxaa ku xariira caruur iyagoo kafaala qaada qoysas badan. Maadaama sanduuqa Fursad Fund hadda uusan awoodin in uu daboolo guud ahaan baahida haweenkaas, haddana aan dooneyno in aan kor u soo qaadno ganacsikooda, waxaan ka soo xulanay 20 qofood ee ugu nugul. Waxaan u kala qaadnay 10 hablo oo khudaarta loo maalgelin doono iyo 10 hablo oo hilib ariga loo maalgelin doono: 10 Haween ah oo Hilib ariga ka ganacsada waxa aan siin doonaa lacag aay ku iibsadaan 10 neef oo Ari ah, lacagtaas oo aay ku soo celin doonaan Muddo sanad ah. Sidoo kale haweenka ka ganacsada khudaarta waxaan ka maalgelin doonaa 10 haween ah oo aan qofkiiba siin doono $300. Guud ahaan mashruucan waxaa shaqo si toos uga heli doona 20 qofood halka 20 qofood oo kalena aay shaqo uga heli doonaan si dadban taas oo tirada guud ee dadka shaqada helaya ka dhigeysa 40 haween ah waxaana ku bixi doonta $10,000.00 (Toban kun doolar).

Waa mashruuc aan dooneyno in aan joogto ka dhigno isla markaana aan uga faaideyno Haween badan si aan ganacsikooda kor ugu soo qaadno.

Mashruuca maalgelinta beeraha ee Beydhabo: Sida aay go’aamiyeen golaha sare ee sanduuqa Fursad Fund 20% lacagta uu sanduuqa soo aruuriyo wax loogu qabto Naafada soomaaliyeed. Waxaan booqasho ku tagnay magaalada Beydhabo halkaas oo aan kula soo kulanay koox iskaashashato naafo ah oo ka kooban 26 qofood oo naafo ganacsato ah, waxeey iibsadeen beer baaxadeedu tahay 7 Hector, waxa aay Sanduuqa Fursad Fund ka soo codsadeen in beertaas loo maalgeliyo si aay dalag ugu beertaan. Xubnahaan 26 qof ka kooban ee iskaashatada naafada ah waxa aay gacanta ku hayaan 520 qofood oo naafo ah. Lacagta faaidada ah ee beertaan kasoo xaroota waxa aay qorsheeynayaan in aau fursado shaqo ugu abuuraan dadka naafada ah ee ku nool magaalada Beydhabo. Mashruucaan waxaa ku bixi doonta $10,000.00.

Aquaponics Greenhouse: Waa mashruuc dhanka beeraha ah gaar ahaan dhisida xarun casri ah (Greenhouse) oo lagu beeri doono miro iyo wax soo saar kala duwan oo dhanka khudaarta ah. Somaliland Food Solutions waa hay’ad aay ku mideeysanyihiin beeraleey leh xirfad beerasho oo casri ah kuwaas oo isku xilsaaray in aay xaliyaan dhibaatooyinka heysta beeraha iyo beerashada intaba. Waxaan heshiis la galnay hay’adan Somaliland Food Solutions heshiiskaas oo ah in xirfadahan hormarinta beeraha lagu balaariyo guud ahaan dhulalka aay Soomaalidu dagto (ee Geeska Afrika).. Mashruucaan waxaa shaqo ka heli doona 19 qofood: 12 qofood oo ka shaqeyn doonta bilaawga dhismaha xarunta iyo 7 qofood oo si joogta ah ugu hawgeli doonta. Guud ahaan mashruucan waxaa ku bixi doonta $11,000.00.

Waxaan hadda aruurinay lacag gaareysa $41,939.17 (Afartan iyo kow kun sagaal boqol sodon iyo sagaal dhibic toban iyo todobo). Mashaariicdan waxaan ugu talo galnay in aan ku qarash gareyno $31,000.00 (sodon iyo koow kun) waxaana shaqooyin ka heli doona 102 qofood (62 qofood oo si toos ah shaqo ugu heli doona iyo 40 qof oo sii dadban uga shaqeyn doonta.

 

Waxaan kugu dhiiragelineynaa in aad talo soo jeedin ka sameyso mashaariicdan aan kuu soo dirnay maadaama aad kamid tahay dadka soomaaliyeed ee qaatay go’aanka ah in aay dib u soo nooleeyaan isku tashigii dadka soomaaliyeed isla markaana aay fursado shaqo u abuuraan walaalahood.

Hadaad dooneyso xog intaan ka badan kala soco websitekaan ama Facebook, iyo Twitter

Mahadsanid Deeqbixiye

Fursad Fund Team


Fursad Fund waxeey bogaadinaysaa dhamaan shirkadaha ka qeyb qaatay in aan fursado u abuurno umadda Soomaaliyeed.